Dad gaajo ugu geeriyooday dalka Itoobiya

0
76

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ugu yaraan 176 qof ayaa ku dhintay gobolka Tigreega ee woqooyiga Itoobiya gaajo awgeed, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Hadush Asemelash oo ah maamulaha gobolka ayaa u sheegay Telefishinka Tigray in dadka dhintay ilaa hadda ay ka kooban yihiin 101 rag ah iyo 75 dumar ah.

Ku dhawaad 45,000 oo qof oo ku nool degmada Emba Sieneti ayaa wajahaya gaajo aad u daran taas oo ay uga sii dareen dagaallada sokeeye iyo abaartii labadii sano ee la soo dhaafay halkaa ku dhuftay, sida uu sheegya guddoomiyaha gobolka Kidanmariam Surafel.

Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in ay kordheen dadka ka barakacaya guryahooda, sababo la xiriira abaarta jirta iyo gargaarka bini’aadantinimo oo aan ku filneyn dadka.

Toddobaadkii hore, maamulka ku meel gaarka ah ee Tigray ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah ka dib markii in ka badan 200 oo qof ay u dhinteen gaajo ay keentay abaarta dhacday.

Geeska Afrika ayaa laga soo bilaabo 2019 kii waxaa la waayay shan xilli roobaad, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa hakiyay gargaarkii horaantii sanadkan kadib markii la sheegay in la xaday gargaargkii loogu tala galay dadka rayadka ah ee dhibaateysan.