Dhaqaatiir adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah u sameeyay qoysas danyar ah oo ku nool Baladweyne.

0
75
Baladweyne (Radio Beerlula)-Ururka dhaqaatiirta gobolka Hiiraan oo garab ka helaya ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed iyo Isbitaalka Samakaab ayaa adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah u sameeyay qoysas danyar ah oo ku nool xaafadda Buundo weyn ee Magaalada Baladweyne.
Dhaqaatiir ka kala socota isbitaalka Sama-kaab iyo ururka dhaqaatiirta gobolka Hiiraan ayaa baaritaano iyo daawooyin lacag la’aan ah siiyay qoysaskan oo ka mid ah kuwii ay sameeyeen daadadkii ku dhuftay Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan 11-kii bishii November ee la soo dhaafay.
Warkan waxaa inoo haya Cumar Yuusuf Aadan.