Qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay taliska qeybta nabad galyada wadooyinka taraafikada ee Muqdisho oo xariga laga jaray.

0
88

Baladweyne (Radio Beerlula)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo  Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha ee XFS iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa xariga ka jaray dhismaha qeybo cusub oo lagu soo kor dhiyay xarunta guud ee Taliska Ciidanka Nabadgalyada Waddooyinka ee Taraafikada.

Munaasabada xarig jarkan ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Taliyaha Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka S/Guuto Bishaar Abshir Geedi, iyo marti sharaf kale.

Warkan waxaa inoo haya Xaawo Aadan Xuseen.