Shirka Wadatashiga Dib-u-cusbooneysiinta Qorshaha Horumarinta Qaranka 9-aad oo lagu qabtay Muqdisho

0
57

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daahfuray Shirka Wadatashiga Dib-u-cusbooneysiinta Qorshaha Horumarinta Qaranka 9-aad ee sandka 2024 oo ay fulinteeda iska kaashan doonaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.

Shirkaan oo ay goob joog ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka XFS, Agaasimaha Guud ee Waaxda Qorsheynta Dowladda Hoose ee Xamar iyo Mas’uuliyiin kale ayaa diirada lagu saaray soo gudbinta waxyaabihii u qabsoomay Maamulka Gobolka Banaadir, Baahiyaha waaweyn ee hortabinta u leh horumarinta Gobolka si loogu daro qorshaha qaranka 9-aad ee sanadka 2024 iyo in la xoojiyo wada-shaqaynta iyo iskaashiga u dhaxeeya Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim.