Dowladda Jarmalka oo sannad kasta tababari doonta 100 imaam.

0
74

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Wasaaradda arrimaha gudaha Jarmalka ayaa ku dhawaaqday in si tartiib tartiib ah loo joojin doono imaamyada looga soo diri jiray dalka Turkiga ee ka howlgalayay masaajidda dalkaas.

Bayaan uu soo saaray ururka arrimaha diinta Islaamka ee Turkiga ayaa lagu yiri, “Waan ka warqabnaa baahida loo qabo isbeddelkan”.

Qoraalka ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha Jarmalka ayaa lagu sheegay in heshiiska imaamyada lagu tababarayo ay la galeen Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo ururka arrimaha diinta Islaamka ee Turkiga kadib wada xaajood dheer .

Heshiisku wuxuu dhigayaa in 100 imaam loo tababaro dalka Jarmalka sanad walba, imaamyadan oo lagu soo tababaray barnaamijka tababarka wadajirka ah ayaa loogu talagalay inay beddelaan imaamyadii laga soo diray Turkiga.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa lagu sheegay in la sameyn doono iskaashi ka dhaxeeya Kuliyadda Islaamiga ah ee Jarmalka oo la aas aasay 2019-kii iyo Jaamacadda Osnabrück ee Turkiga .

Iimaamyada ayaa marka ay tababarka dhammeystaan waxaa si tartiib tartiib ah ah ay u baddali doonaan kuwa dalka Turkiga.