Deeq raashin ah oo Qoysas danyar ah loogu qeybiyay duleedka Kismaayo

0
57

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Gudddiga gurmadka fatahaadaha Jubbaland oo kaashanaya Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha maamulka Jubbaland iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka maamulkaasi ayaa deeq Raashiin ah u qaybiyay inkabadan 25000 oo qoys kuwaas oo kasoo barakacay gobolka Jubbada Dhexe iyo degmada Jamaame.

Munaasabada lagu qaybinayay deeqda ayaa waxaa goob ka ahaa madaxweeyne ku xigeenka maamulka Jubbaland, Wariiro , Gudoomiyaha Hay’adda qaxootiga jubbaland , iyo qoysaska deeqda loogu talagalay.

Warkan waxaa inoo haya Bilaal Daahir Waaneey