Gobol ka tirsan Mareykanka oo soo saaray sharci adag oo ka dhan ah dadka darbiga ka booda

0
72

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Gobolka Texas ee dalka Mareykanka ayaa soo saaray sharci adag oo ka dhan ah ka gudubka xuduudaha. Waxaa lagu tilmaamay mid sharci darro ah oo lagu muteysan karo xabsi, waana mid ka mid ah sharciyada socdaalka ee ugu adag ee uu meel mariyo gobol ka tirsan Mareykanka waqtiyadan casriga ah.

Barsaabka gobolka Greg Abbott, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ah, ayaa sheegay inay “joojin doonaan mowjadaha qulqulka muhaajiriinta ee sida sharci darrada ah ku soo galaya Texas”.

Dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha socdaalka ayaa sheegay in sharciga uu horseedi doono isir nacayb.

Tallaabadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordhayaan socdaalka sharci darrada ah iyo walaaca shacabka ee ku aaddan sida uu madaxweynaha Mareykanka Joe Biden u maareeyay xadka.

Go’aankan uu gaaray gobolka Texas ayaa ah mid muran badan dhaliyay, sababtoo ah maxkamadaha Mareykanka ayaa horay u xukumay in dowladda federaalka oo kaliya ay dhaqan gelin karto sharciyada socdaalka.