Saddex Ciyaartoy Oo Liverpool Uga Soo Noqonaya Dhaawacyada Ka Hor Kulanka Arsenal

0
73

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa rajaynaysa in ay dib u hesho saddex ciyaartoy oo dhaawac kaga maqnaa kulanka muhiimka ah ee Arsenal ee Sabtida oo haddii ay guuleystaan ay mar kale hoggaanka horyaalka kala wareegi doonaan Gunners.

Labada kooxood ee isku eryanaya figta sare ee horyaalka Premier League ayaa ciyaartooda si weyn indhaha loogu hayaa maadaama ay saamayn ku yeelanayso horyaalka ka hor Ciidda Masiixiga ee kulamada badan laga ciyaaro Ingiriiska.

Tababare ku-xigeenka Liverpool ee Pep Lijnders oo warbaahinta la hadlay ka hor ciyaarta Carabao Cup ee West Ham United ee Arbacada, ayaa waxa uu sheegay in ay rajaynayaan in saddexda ciyaartoy ee Ryan Gravenberch, Alexis Mac Allister iyo Diogo Jota ay dib ugu soo laaban doonaan garoomada toddobaadka dambe, isla markaana ay rajo ka qabaan kulanka Arsenal.

Ryan Gravenberch ayaa uu dhaawaciisu ahaa mid fudud, laakiin Mac Allister iyo Diogo Jota ayaa ahaa kuwa walaaca badan laga qabay ee soo-laabashadoodu ay farxadda u tahay Jurgen Klopp maadaama ay kulamo badan ciyaari doonaan usbuucyada soo socda.