Liverpool Oo Xasuuq Ay U Geysatay West Ham Ugu Gudubtay Semi-finalka Carabao Cup

0
70

Baladwayne (Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa u gudubtay semi-finalka tartanka Carabao Cup, waxaanay dhamaystirtay afarta kooxood ee iska xaadiriyey kulamada ugu dambeeya ee la isla aadayo garoonka qaranka Ingiriiska ee Wembely.

Liverpool ayaa waxay 5-1 ku karbaashtay West Ham oo marti ugu ahayd Anfield, iyadoo garoonka uu ka baxay Darwin Nunez oo nasiib-darro ku dhacday oo uu goolku diiday, halka xiddigaha kale ee kooxduna ay goolasha qaybsanayeen.

Dominik Szoboszlai ayaa gantaal uu masaafo 25 yard ah ka toogtay ku furay gool-dhalinta ciyaarta qaybtii hore, waxaana uu guulkaasi ahaa midka kaliya ee ka dhashay ciyaarta, inkasta oo ay kooxdiisu heshay fursado kale oo badan oo qaybta horeba ay ciyaarta kaga dhigi karayeen mid dhamaatay.

Curtis Jones iyo Cody Gakpo ayaa laba gool oo qurux badan is-raaciyey markii lagu soo noqday qaybta labaad, waxaana West Ham oo niyad-jabsan woxoogaa nafis ah siiyey Jarrod Bowen oo gool qurux badan saxeexay.

Darwin Nunez ayaa gantaal uu toogtay waxa ka badbaadiyey goolhaye Areola oo la moodayey in kaliya uu joojinayo kubbadaha Nunez, halka kuwa kale oo meelo fog-fog lagaga soo laadayay ay ka dhalanayeen.

Mohamed Salah oo beddel kusoo galay ayaa hoggaanka usii dheereeyey Liverpool oo dhaliyey goolka afraad, waxyar kaddibna waxa uu khasaariyey kubbad uu goolka hortiisa ka helay iyadoo waliba Areola uu dhulka jiifo kaddib markii uu gacanta la helay kubbad uu kusoo toogray Nunez oo birta uu ku leexiyey kaddibna usoo noqotay Mohamed Salah. Xiddiga Masar ayaa ku celiyey kubadda goolka oo madhan, balse birta dhinac mariyey.

Curtis Jones ayaa mar labaad shabaqa soo taabtay oo ciyaarta kusoo xidhay kubbad uu khadka dhexe kasoo qaatay, isla markaana u gooyey dersin ciyaartooyo ah illaa uu la gelayey xerada ganaaxa oo uu si fudud ku dhamaystirayay.

Liverpool ayaa waxa ay semi-finalka kula biirtay Chelsea, Fulham iyo Middlesborough oo Salaasadii soo gudbay.