Sergi Roberto Oo Jidka Guusha Kusoo Celiyey Barcelona Oo SADDEX Kulan Jaho-wareer Ku Dhacay

0
70

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa kusoo laabatay jidka guusha ee ay ka maqnayd saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey dhamaan tartamada oo laba ka mid ah laga badiyey midna ay barbarro gashay, waxaanay caawa 3-2 kaga adkaadeen kooxda ugu hoosaysa horyaalka LaLiga ee Almeria.

Guul ay ku rafaadday oo laba jeer ay Barcelona xajisan weyday hoggaan gacanteeda ku jiray ayaa ay ka gaadhay Almeria, waxaana saddexda dhibcood ay uga mahad-celiyeen Sergi Roberto oo laba gool oo guusha go’aamiyey dhaliyey.

Raphinha ayaa Barcelona hoggaanka u dhiibay daqiiqaddii 33aad ee qaybta hore, markaas oo uu dhamaystiray kubbad uu gool-haye Luis Maximiano soo badbaadiyey balse uu waayey difaacyahanno ka saara.

Waxa uu goolkani yimid waxyar kaddib markii uu Robert Lewandowski goolka hortiisa la tegay kubbad uu lugta bidix ku toogtay goolka oo shan tallaabo u jiray laakiin uu goolahye Maximiano sida shabeelka ugu booday oo uu gacanta midig la helay, iskana saaray.

Waxa kale oo kubbado halis ahaa qaybta hore laga qabtay Raphinha iyo Joao Felix oo uu nasiibku u diiday inay sii dheeraystaan hoggaanka kooxdooda.

Almeria ayaa ciyaarta ka dhigtay 1-1 dhamaadka qaybta hore oo ay afar daqiiqadood ka hadhsan yihiin, waxaana uu goolhaye Inaki Pena ula tegay oo uu ka dul-qaaday kubbad uu usoo dhiibay da’yarkii hore ee Real Madrid ee Sergio Arribas.

Tababare Xavi ayaa bilowga qaybta hore soo raaciyey Ferran Torres iyo Jules Kounde isaga oo saaray Andreas Christensen oo ka badbaaday casaan markii uu qalad ku galay ciyaartoy Almeria ah, balse uu garsooruhu ku qancay in aanu ahayn difaacii ugu dambeeyey.

Sergi Roberto oo kusoo bilowday khadka dhexe oo uu ka beddelay Pedri oo dhaawac ku maqnaa ayaa hoggaanka usoo celiyey Barcelona daqiiqaddii 60aad, markaas oo uu madax ku dhamaystiray koorne uu soo qaaday Raphinha.

Qalad ay sameeyeen goolhaye Inaki Pena iyo Ronald Araujo ayaa sababay in Almeria ay soo laabato waqti ay dhamaadka ciyaarta 19 daqiiqadood ka hadhsanaayeen, markaas oo kubbad uu goolhayuhu qabsaday uu cidhiidhyay Araujo oo dhulka kaga riday, taas oo hal taabasho ku dhamaystiray Edgar.

Toddoba daqiiqadood oo ciyaarta ka hadhsan ayuu mar kale Sergi Roberto shabaqa soo taabtay isagoo dhaliyey goolka guusha u go’aamiyey Barcelona, ciyaartana ka dhigay 3-2.

Robert Lewandowski ayaa fursado badan oo uu goolal ku dhalin karayay lumiyey, sidoo kalena Joao Cancelo iyo Araujo ayaa iyaguna lumiyey kubbado goolal loo fishay.