Baarlamaanka Faransiiska ayaa meelmariyay sharci adkeynaya siyaasadda socdaalka Faransiiska.

0
78

Baladwayne ( Radio Beerlula |)-Baarlamaanka Faransiiska ayaa meelmariyay sharci adkeynaya siyaasadda socdaalka Faransiiska ka dib bilo ay socdeen khilaaf siyaasadeed oo dalkaasi ka socday.

Sharciga wax ka beddelka lagu sameeyay ee hanaanka soo galootiga ayaa waxaa taageeray labada xisbi ee ugu weyn dalka Faransiiska .

Sharciga cusub ayaa ka dhigaya sharuud adag taas oo ah in dadka soo galootiga ah ee doonaya in xubnaha qoyskooda ay keenaan Faransiiska ay waqti ku qaadan doonto in ay helaan lacagaha cayrta ah ee la siiyo.

In la sameeyo xarumo cusub oo dadka lagu hayo oo laga sameeyo aagagga xadadka dalalka ay soo galootigu ka soo galayaan.

Masaafurinta degdegga ah oo lagu sameeyo dadka magangalyo-doonka ee sharciyada loo diiday ama loo diido.

Kordhinta iskaashiga waddamada koonfurta Yurub ee ay soo galootiga ugu badan ka yimaadaan.

Sannadkan, sida ururku sheegay tirada dadka Yurub doonyaha kaga soo galay badda Mediterranean-ka ayaa kordhay 30%.