Man United, Bayern, PSG Iyo SIDDEED Kooxood Oo Kasoo Horjeedsaday European Super League

0
68

Baladwayne ( Radio Beerlula |)-Tartanka European Super League ayaa la kulmay mucaaradad waqti hore, waxaana kasoo horjeedsaday kooxo waaweyn oo hore ay qaarkood qayb uga ahaayeen bilowgiisii hore, laakiin hadda dhabarka u jeediyey.

Saacado kaddib markii ay maxkamadda sare ee caddaaladda Yurub xukuntay in kooxaha tartanka European Super League soo hindisay ay xaq u leeyihiin inay tartankan qabsadaan, isla markaana aanay FIFA iyo UEFA awood u lahayn inay kasoo horjeedsadaan, waxa bilowday abaabul kale oo ka imanaya xidhiidhada iyo waddamada oo ku riixaya naadiyada inay shaaciyaan in ay diiddan yihiin tartankan.

Atletico Madrid ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay ee si cad ugu dhawaaqday inay kasoo horjeeddo tartankan, waxyar kaddibna waxa labeeyey Manchester United halka xidhiidhada LaLiga, Ligu1 1 iyo dawladda Ingiriiskuba ay qaateen go’aan lid ku ah qabsoomidda tartankaas.

Kooxaha Bayern Munihc iyo PSG ayaa sidoo kale shaaciyey in aanay marnaba qayb ka noqonayn tartankan, waxaana sidooda oo kale sameeyey Valencia, Sevilla, Villarreal, Borussia Dortmund iyo naadiyo kale.

War-saxaafadeedka ay Manchester United soo saartay ayaa lagu yidhi: “Booskayaga waxba iskama beddelin. Waxa si buuxda nooga go’an ka qayb-galka tartamada UEFA iyo in aanu xidhiidh togan la yeelano UEFA, Premier League iyo kooxaha kale ee ECA si loosii wado horumarka ay samaynayaan ciyaaraha Yurub.”