Tababar ku saabsan xalinta khilaafadka dhulka oo lagu soo gaba gabeeyay Baydhabo.

0
46

Baladwayne ( Radio Beerlula |)-Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud iyo guriyeynta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Daahir Cabdi Cabdullahi ayaa magaalada Baydhabo ku soo gaba gabeeyay tababar ku saabsan xalinta khilaafadka dhulka kaasoo socday muddo laba maalmood ah.

Tababarkan oo lagu baranayay sida loo xaliyo khilaafadka dhulka ayaa waxaa ka qeyb galay gudiga xalinta khilaafaadka dhulka dowlada hoose ee Baydhabo, Odayaasha Dhaqanka iyo Maxkamadaha.

Warkan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi Saneey.