Diyaarad lagu xiray Faransiiska sababo la xiriira cabsi laga qabo tahriibinta dadka

0
58

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Diyaarad siday 303 rakaab oo Hindi ah ayaa lagu xayiray garoon diyaaradeed oo ku yaala waqooyi bari dalka Faransiiska, kadib markii looga shakiyay tahriibinta dadka, sida ay ku warrantay warbaahinta Faransiiska.

Diyaaradda ayaa lagu dajiyay garoonka yar ee Vatry ee waaxda Marne sababo la xiriira cilado farsamo. Arrintan ayaa la ogaaday khamiisti ka dib “warbixin qarsoodi ah”, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha.

Dhowr qof ayaa ku xiran garoonka, kuwaasoo boolisku xiray.

Waxaa la bilaabay baaritaan lagu ogaanayo xaaladda iyo ujeedada safarka, sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka.

Waxa ay intaa ku dareen in qaar ka mid ah Rakaabka la rumeysan yahay inay ahaayeen Tahriibayaal sharci darro ah. Laba qof oo rakaab ah ayaa xabsiga la dhigay.