Adeeg indha fiiqis lacag la’aan ah oo loo sameeyay qaar ka mid ah barakacayasha Baladweyne.

0
54

Baladwayne (Radio Beerlula )-Isbitaalka Ikhlaas ee Beledweyne ayaa qaliin indha fiiqis lacag la aan ah u sameeyay dad danyar ah oo ka sacday qaar kamid ah xeryaha barakacayaaha ah ee Baladweyne.

Indha fiiqistan lacag la aanta ah ayaa waxaa isku xilqaamay maamulka isbitaalka kadib codsi uga yimid qaar kamid ah dadka loo sameeyay.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Cabdiqadir Cumar Ibraahin.