Kulan looga hadlayay hormarinta tiknolajiyada oo lagu qabtay Kismaayo.

0
110

Baladwayne (Radio Beerlula )-Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tegnolojiyadda Jubbaland Mascuud Cabdullaahi Axmed oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Saacid Cabdullaahi Maxamed ayaa kulan la qaatay hoggaanka Jaamacadaha fadhigoodu yahay magaalada Kismaayo.
Shirkan oo ay ka soo qayb galeen xubno ka socday dhammaan Jaamacadaha Kismaayo ayaa looga hadlayey wadashaqaynta Wasaaradda iyo Jaamacadaha iyo sidii loo horumarin lahaa Tegnolijiyadda, gaar ahaan Ardayda barata Kulliyadda IT-ga sidi ay u heli lahaayeen adeegyo waxbarasho oo ku filan oo dhanka Technologyada.

Warkan waxaa inoo hayaCabdiqadir Cumar Ibraahin