Dhismaha waddo muhiim ah oo laga dhagax dhigay Muqdisho.

0
108

Baladwayne (Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay dib-u-dhiska Wadada Laamiga ee isku xera Isgoyska Kaaraan illaa Aargada Liido ee Degmooyinka Cabdicasiis iyo Kaaraan, taasi oo qeyb ka ah Barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal doolar.

Munaasabadda Dhagax-dhiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Guddoomiyaha Degmada Kaaraan, Kusimaha Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada labada Degmo.

Warkan waxaa inoo haya Cumar Yuusuf Aadan