Laba Ciyaartoy Oo Muhiim Ah Oo Usoo Laabanaya Real Madrid

0
81

Baladwayne (Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa rajaynaysa inay dib u heli doonto laba ka mid ah ciyaartoydii dhaawaca kaga maqnaa, marka laga soo laabto fasaxa sannadka cusub ee ay usbuucan ku maqnaanayaan ciyaartoyda kooxdaas iyo kuwa kale ee horyaalka Spain.

LaLiga lama ciyaarayo usbuucan, waxaase lasoo laaban doonaa toddobaadka dambe iyadoo Real Madrid ay Arbacada toddobaadka dambe ee January 3 ay qaabbili doonto Real Mallorca ka hor inta aanay isku diyaarinin Copa del Rey iyo Spanish Super Cup.

Los Blancos oo ay dhaawacyo ragaadiyeen, ayaase inta ay fasaxa ku maqan tahay waxa ay rajaynayaan inay taam u noqdaan Vinicius Junior iyo Eduardo Camavinga oo la sheegay in ay kusoo dhow yihiin inay ka bogsadaan dhaawacyadii ay qabeen.

Labadooduba waxa ay kusoo dhaawacmeen ciyaarihii caalamiga ahaa ee bishii November, hase yeeshee wargeyska AS ayaa sheegay in usbuucyo kooban oo kali ah kaddib ay sii maqnaan doonaan labadan ciyaartoy.

Thomas Serafin oo ah tababaraha jidh-dhiska ciyaartoyda ayaa Vinicius Junior iyo Eduardo Camavinga waqti badan gelinayay usbuucyadii tegay waxaana marka laga soo laabto fasaxa loo ogolaan doonaa inay tababarka si buuxda ula qaataan ciyaartoyda kale ee kooxda.

Hore waxa loogu qoondeeyey in Vinicius Junior uu muddo laba bilood iyo badh ah garoomada ka maqnaan doono, laakiin soo kabashadiisa degdegga ah ee uu sameeyey ayaa la sheegay inay suurtogal ka dhigayso inuu taam u noqdo ciyaarta Spanish Super Cup ee Atletico Madrid ee January 10.