Iskuulka Maxamed Cali ee Baladweyne oo ku burburay fatahaadii wabiga shabeele

0
69

Baladwayne (Radio Beerlula )-Iskuulka Maxamed Cali oo kamid ah dugsiyada ku yaalo magaalada Baladweyne gaar ahaan xaafda Howl-wadaag ayaa waxa saameeyn ba,an ku yeelatay fatahaada dhawaan uu sameeyay wabiga shabeele isla markaana burburiyay dhamaan agabkii aas aasiga u ahaa waxbarashada iyo Howlaha iskuulka.

Iskuulka Maxamed Cali ayaa wax ka barta caruur isugu jirta agoon , Rajo , iyo danayar kuwaas oo si bilaash wax ugu barto iskuulka.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.