In kabadan 30 suxufi oo tababar looga furay Garoowe

0
67

Baladwayne (Radio Beerlula )-Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa Magaalada Garoowe tababar uga furay inkabadan 30 Wariye oo ka socda xarumaha warbaahinta Puntland, tababarkan oo ay iska kaashadeen NUSOJ iyo Hay’ada UNFPA waxaa looga hadlayaa Xoojinta Codadka haweenka, gaar ahaana doorka Warbaahinta ee U doodista Xuquuqda Haweenka.

Munaasabada daahfurka tababarka ayaa waxaa goob joog ka ahaa maamulka warbaahinada maamulka Putland , qaar kamid ah mas,uuliyiin kasocotay Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ iyo wariyaasha loo qabanayay tababarka.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Cabdi Saneey.