Manchester United Oo Guul Soo Laabasho Ah Ka Gaadhay Aston Villa

0
72

Baladwayne (Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa guul soo laabasho ah ka gaadhay Aston Villa oo laba gool kala hormartay, waxaanay soo afjartay laba ciyaarood oo xidhiidh ahaa oo guul-darrooyin loogu xambaarinayey Old Trafford iyadoo wiilka dahabiga ah ee Alenjandro Garnacho uu noqday geesiga Red Devils.

Saddex gool oo qaybtii dambe ay la timid Manchester United ayaa u go’aamiyey guul ay kaga nafiseen murugooyinkii hadheeyey usbuucyadii u dambeeyey ee ay guul la’aanta ahaayeen.

Aston Villa ayaa laba gool oo afar daqiiqadood gudahood ahaa kaga nixiyey Manchester United qaybtii hore, waxaanay sidoo kale heleen fursado kale oo ay ku dili karayeen Red Devils oo mid ka mid ah uu goolhaye Andre Onana si naf-hurnimo leh u badbaadiyey.

Daqiiqaddii 22aad ayuu John McGinn hoggaanka u dhiibay Aston Villa kaddib markii uu xerada ganaaxa ka helay kubbad dhinaca midig laga soo qaaday oo laad xor ahayd oo uu weydaariyey goolhayaha reer Cameroon ee Andre Onana.

Manchester United oo aanu wali ka go’in gaggabka iyo niyad-jabka goolka lagala hormaray ayaa waxa ay mar kale aragtay iyadoo ay kubaddu shabaqeeda dhax-taallo, waxaana daqiiqaddii 26aad goolka labaad u dhaliyey Aston Villa Leander Dendoncker.

Intaa wixii ka dambeeyey kubaddu waxay ka socotay dhinaca Aston Villa halka Manchester United ay ciyaartoydeedu ku dedaalayeen inay iska ilaaliyaan in goolal intaas ka badan laga dhaliyo qaybta hore, si waqtiga nasashada ay ula soo tashadaan Erik ten Hag.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay afar daqiiqadood oo kaliya socotay ayaa waxa Manchester United gool u dhaliyey Alejandro Garnacho, hase yeeshee VAR ayaa goolkaas ku sheegtay offside maadaama markii kubadda loo dhiibayey uu tallaabo ka horreeyey difaacyahannada.

Toban daqiiqadood ayuu Alejandro Garnacho gool aan muran gelin oo sharci ah Manchester United u saxeexay, waxaanu goolkani noqday midka sida dhabta ah niyadda ugu soo celiyey Manchester United ee sababay inay dagaal adag galaan.

Da’yarka reer Argentina oo ay saaciidadu saarnayd ayaa goolkiisii labaad oo ansax ah ciyaarta kaga dhigay barbarro 2-2 iyadoo maraysa daqiiqaddii 71aad, waxaana halkaas dabbaal-deg weyn ku sameeyey Erik ten Hag iyo jamaahiirta kooxda maadaama labadii ciyaarood ee u dambeeyey ee ay ku ciyaareen Old Trafford laga badiyey.

Rasmus Hojlund ayaa ugu dambayntii dhaliyey goolkii muddada dheer la sugayay ee horyaalka Premier League, waxaana uu dhamaystiray goolka saddexaad ee kooxdiisa ee go’aamiyey guusha soo laabashada ee cajiibka ah.

Old Trafford ayaa isla oogsaday markii uu Rasmus Hojlund dhaliyey goolkiisa koowaad, sidoo kalena ay kooxdiisu hoggaanka ciyaarta la wareegtay, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 3-2 ay guushu ku raacday Manchester United.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Manchester United ay soo gashay kaalinta lixaad oo ay ku haysato 31 dhibcood, halka Aston Villa ay iska lumisay fursad ay kaalinta labaad ee Premier League kusoo geli lahayd oo ay Liverpool oo hoggaanka haysa kula sinmi lahayd, waxayna hadda ku jirtaa kaalinta saddexaad oo ay ku haysato 39 dhibcood.