Qoysas danyar ah oo ku nool Baladweyne oo loo qeybiyay deeq raashin ah.

0
57

Baladwayne (Radio Beerlula )-In ka badan 100 qoys oo danyar ah oo ku nool magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan islamarkana ay sameysay fatahaadii uu geystay webiga shabeelle ayaa ka faa’ideystay deeq raashin ah oo ay bixisay hay’adda daryeelka bulshada ee Kaalmo.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdulahi Axmed Maalin, xubno ka tirsan maamulka iyo hogaanka hay’adda daryeelka bulshada ee Kaalmo ayaa goob joog ka ahaa goobta lagu qeybinayay deeqdan raashinkan.

Warkan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi Saneey.