Kulan looga hadlayay qorshaha waxqabadka gobolka Banaadir oo lagu qabtay Muqdisho

0
229

Baladwayne (Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa furay Kulanka Wada-tashiga Qorshe Hawleedka Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ee sanadka 2024, oo ay soo diyaariyeen Xafiiska Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Kulankaan ayaa lagu soo bandhigay Qorshayaasha u dagsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar sanadka cusub ee 2024, iyadoona sidoo kale lasoo bandhigay waxa ka qabsoomay Qorshihii 2023 iyo waxyaabaha aan qabsoomin.

Warkan waxaa inoo haya Cabdiqadir Cumar Ibraahin.