Baladweyne ( Radio Beerlula)- Garoonka Kubadda cagta Muqdisho Studium ee Magaalada Muqdisho ayaa galabta si toos looga daahfuri doonaa Taratanka Kubdda Cagta gobalka Banaadir iyo maamul Goboleedyada.
Tartaanka ayaa waxa martigelinaya Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowlada Faderaalka Soomaaliya waxaana ka qeybgalaya kooxaha Gobolka Banaadir, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland, waxaana sanadkaan tartanka ka qeyb galeynin Puntland, iyadoona laga reebay Maamulka SSC-Khaatumo.
Kooxaha Galmudug iyo Hirshabelle ayaa galabta si toos loogu daahfuri doonaa tartanka saacada marka ay tahay 3:30pm ee geeska Afrika.
Sidoo kale waxaa la kordhiyey tirada ciyaartooyda kooxaha oo markii hore ahayd 22 ciyaartooyda, sanadkan waxaa la dhigay 25 ciyaartooy.
Bilaal Daahir Waaneey.