Haweeney dhaxal ahaan u heshay 100 Bilyan oo dollar.

0
76

Baladwayne (Radio Beerlula )-Bettencourt Meyers ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay ee yeelata hanti gaaraysa $100 bilyan oo dollar oo dhaxal ah taasoo ka dhigtay inay noqoto haweeneyda ugu taajirsan adduunka.

shirkadda L’Oréal Françoise oo dhaxal ahaan ay u heshay haweeneydan ayaa iibisa waxyaabaha la isku qurxiyo taasoo laga leeyahay dalka Faransiiska waxana lahaa awowgeed muddo tobnaan sano ah.

L’Oréal ayaa Khamiistii lasoo dhaafay uu dakhligeedu aad sare ugu kacay ka dib qiimeyn lagu soo bandhigay magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska.

Shirkaddan ayaase dakhligeedu uu hoos u dhacay markii uu socday xanuunka safmarka ah ee coronavirus, markaas oo dadka ay xayiraadda saarneyd aysan aad u isticmaali jirin waxyaabaha la isku qurxiyo ee loo yaqaanno makeup.

Lacagta ay leedahay Ms Bettencourt Meyers, oo 70 jir ah, ayaa gaartay $100bn sida lagu xusay jaantuska Bloomberg Billionaires Index, waxayna taas ka dhigeysaa qofka 12-aad ee ugu taajirsan adduunka.