Baladweyne ( Radio Beerlula )-Halyeyga reer England ee Jamie Carragher ayaa magacaabay laba ciyaartoy oo Liverpool u beddelaya xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah oo bishan January kaga maqnaan doona tartanka qaramada Afrika ee lagu qabanayo Ivory Coast.
Mohamed Salah ayaa Salaasadii maanta isku diyaariyey safarka uu ku tegayo dalkiisa Masar oo ay ciyaartoydu ku qaadanayaan tababarka ka hor inta aanay u duulin Ivory Coast oo uu 13ka January ka furmayo Koobka Qaramada Afrika, kaas oo socon doona illaa February 11.
Xiddiga Masar oo laba gool ka dhaliyey ciyaartii ay Liverpool 4-2 ku karbaashtay Newcastle United, ayaa waxa ay su’aal ka taagan tahay ciyaartoyda booskiisa uu ka ciyaarsiin doono Jurgen Klopp, waxaana hore loo hadal hayay Nunez ama Diogo Jota, laakiin Jamie Carragher ayaa rumaysan in ay jiraan ciyaartooyo kale oo kaga habboon.
Jamie Carragher oo la hadlay bixitaanka Salah ee Koobka Afrika, ayaa waxa uu sheegay in Harvey Elliott iyo Dominik Szoboszlai ay yihiin labada ciyaartoy ee ugu habboon ee buuxin karaya booska uu bannaynayo Mohamed Salah oo illaa siddeed ama sagaal ciyaarood ka maqnaan doona.
Jamie Carragher oo ka hadlayay arrintan ayaa yidhi: “Dookh wuxuu noqon karayaa Harvey Elliott. Waxay ila tahay inuu yahay ciyaartoy ku habboon khadka dhexe, laakiin waxa uu noqon karayaa dookh garabka midig ah. Waxa sidoo kale jooga Szoboszlai. Liverpool khadka dhexe waxay ku haysataa khiyaar badan, haddana waxa usoo laabtay Alexis Mac Allister, sidaas daraadeed, waxa ay Szoboszlai u isticmaali karayaan garabka midig oo uu kooxdiisii hore uga ciyaari jiray.”
Si kastaba ha ahaatee, Mohamed Salah ayaa Liverpool u dhaliyey 18 gool oo dhamaan tartamada ah xilli-ciyaareedkan, waxaana uu sagaal gool ka goolal badan yahay ciyaartoyga kusoo xiga ee Liverpool oo ah Diogo Jota.