Xuska Maalinta Caalamiga Indhoolayaasha oo maanta ku began.

0
172

Baladwayne (Radio Beerlula )-Maalinta indhoolayaasha adduunka, oo la xuso Janaayo 4-teeda sannad kasta, waxaa lagu sharfaa dhaxalka iyo wax ku biirinta loogu sameeyaa Louis Braille, hal-abuurihii farta indhoolayaasha.

Maalintani waxa ay sidoo kale kor u qaadaysaa wacyiga ku saabsan muhiimada ay Braille u leedahay in ay tahay hab wax-akhris iyo qoraal taabasho leh oo loogu talagalay dadka indhoolayaasha ah ama aragga naafada ah.

Maalinta Braille ee Adduunka waxay u adeegtaa dadkaan qaba baahida laxariirta dhanka indhaha waxeeyna xasuusin muhiim ah galisaa dadka larabo in ay taageeraan in ay harumar badan oo dhanka waxbarashada sidoo kale waxaa ay kaalin weyn ka ciyaartaa faafinta macluumaadka dadka aragga naafada ka ah ay u leeyihiin inay si siman ula wadaagaan dadka kale macluumaadka, waxbarashada, iyo dhaqanka.

Gudoomiyaha waxbarashada gobolka Hiiraan Cabdi fataax dhaqane ayaa Radio Beerlula uga waramay sida ay ugu da daalaan waxbarashada dadka indhooolayaasha ah iyo muhiimadda maalintan

Qaar kamid ah Dadka Naafada ah ee ku nool Baladweyne ayaa sheegay in aysan helin waxbarasho waxa ayna codsadeen in ay helaan waxbarasho ku filan.

Magaalada Bladweyne iyo deeganada Hoosyimada qaar kamid ah xarumaha barakacyaasha ee kuyaala Baladweyne ayaa waxaa ku nool dad badan oo araga naafo ka ah kuwaasi oo aan helin adeegyada aas aasiga sida caafimaadka shaqo abuur ay qaban karaan oo loosameyo iyo waxbarasho

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cumar Yuusuf Aadan.