Baladwayne (Radio Beerlula )-Ukunta waxay qani ku tahay oo laga helaa nafaqooyin badan oo ay ku jiraan booratiino, fiitamiino iyo macaadin sidoo kale qaybta hurdiga ama jaalaha ah ee ukunta waxaa ku jira oo laga helaa fiitamiinada kala ah vitamin E iyo vitamin D iyo dufanka loo yaqaano fatty acids.
Ukuntu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah cuntadeena, si gaar ah waxay lama huraan u tahay isku dheeli tirnaanta cunooyinka.
Daraasada ayaa sheegeysa in Ukunta dhexdhexaadka ah ay ka kooban tahay todobo garaam oo borotiin dhamaystiran ah. In ay noqoto ‘protein dhamaystiran’ macnaheedu waa in ukuntu ka kooban tahay dhammaan sagaalka amino acids ee lagama maarmaanka ah ee aan u baahannahay .
Inta badan cuntooyinka dhirta ku salaysan, sida badarka, digirta,iyo lawska, waa borotiino aan dhamaystirnayn sababtoo ah waxay ka maqan hal ama in ka badan oo ah amino acids-ka muhiimka ah ee aan u baahanahay.
Ukuntu waa il wanaagsan oo laga helo fitamiin kala duwan waana mid cunisteeda ay tahay mid muhiima ah.