Shimbir mucjiso ah oo lab iyo dheddig midna aan ahayn oo lagu arkay dal ku yaal Latin Ameerika

0
88

Baladwayne (Radio Beerlula )-Waxaa jira wax ay gaar u leedahay shimbirtan taas oo khabiirka cilmiga xayawaanadka sida shimbiraha ee John Murillo ku arkay Beerta Dabiiciga ah ee Kolombiya ee Don Miguel, oo 10 kiiloomitir koonfur-galbeed ka xigta magaalada Manizales.

Shimbirta ayaa soo jiidatay dareenkiisa, sababtoo ah waxaa jiray waxaa jiray wax cajiib ah oo ku saabsan shimbirkan.

Baalka bidix ee shimbirtan waxay ahaa midad cagaar ah, tanina waa sifo lagu garto midda dhaddiga ee noocan ah, halka baalkeeda midig uu ahaa midabka buluuga oo ah waxa lagu garto shimbirka labka ah.

Khabiirkan Murilo wuxuu daahfurkisa la wadaagay prof Hamish Spencer oo ku takhasusay cilmiga xayawaanka iyo hidde-yaqaanka korriinka ee Jaamacadda Otago ee New Zealand.