Mid kamid ah dhaqaatiirta Baladweyne oo bulshada ugu baaqay in ay ku dadaalan Nadaafada.

0
67

Baladwayne (Radio Beerlula )-Dr Maxamed Cumar Muudaale oo ka mid ah dhaqaatiirta ka howlgala xarunta lagu dabiibo dadka u soo ritay cudurka shuban biyoodka ee magaalada Baladweyne ayaa Radio Beerlula u sheegay in bulshada magaalada looga baahan yahay inay ku dadaalan nadaafadda si looga hortago cudurka shuban biyoodka oo ay u geeriyoodeen in ka badan 24 ruux.

Dr Maxamed Cumar Muudaale ayaa bulshada ku booriyay inay caban biyo nadiif ah islamarkana ay ku dadaalan nadaafadda iyo gacmo dhaqashada ka hor inta aysan cunin raashinka, waxana u marka hore ka waramaya sida ay ula tacaalan dadka u soo ritay cudurkan.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Maxamed Cabdi Saneey.