Baladwayne (Radio Beerlula )-Kulan ciyaareed aad u xiisa badan oo u dhexeeyay Xulka Galmudug iyo Xulka Gobalka Banaadir ayaa Galabta Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium ku dhex maray labada Xul, taasi oo qeyb ka ah Koobka Cayaaraha Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Kulankaan oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa waxaa usoo daawasho tagay in ka badan 80,000 oo taageerayaal ah, waxa ayna qeybta koowaad kusoo idlaatay 1-0, oo ay ku hor kaceeysan Xulka Galmudug balse isku soo laabasho qaybta labaad ee ciyaarta ayaa waxaa soo laabasho cajiib ah sameeyey Xulka Gobalka Banaadir kadib markii uu badalo sameeyey Macalin Daadir Aamin Daada , taasi oo ka dhigtay in ay cayaarta kusoo idlaato 2-1 oo ay guusha ku raacday Xulka Gobalka Banaadir.
Guushaan ayaa muhiim u ahayd Xulka Gobalka Banaadir Maadamaa kulankaan midkii ka horeeyey ay ganaax kala kulmeen Xiriirka Kubbada Cagta iyo Ciyaaraha ee Dowlada Federaalka Soomaaliya.