Shir ku saabsan dhismaha garoonka Diyaaradaha Aadan Cade oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

0
105

Baladwayne  (Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Marwo Fardowsa Osman Egal ayaa ka qeyb-galay kulan loogu hadlaayay Dhismaha Biyamareenka Garooka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Daaweynta Biyaha Qashinka, si xal-waara loogu helo dhibaatooyinka xilli roobaadyada.

Mashruucaan oo qeyb ka ah Qorshayaasha hortabinta u leh Maamulka Gobolka Banaadir sanadkaan 2024 ee dib-u-dhiska Biyamareenada Magaalada Muqdisho iyo maareynta bulaacadaha ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka G/Banaadir, Maareeyaha Guud ee Garoonka Aadan Cadde, Hey’adda Maareynta Musiibooyinka, Ganacsato, qaar ka mid ah Safaaradaha wadammada shisheeye iyo Agaasimeyaal ka tirsan G/Banaadir.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim.