Ciidamada Nigeria oo xiray askar jir dil u geysatay dad rayid ah.

0
58

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Ciidamada Nigeria ayaa xiray labo askari kadib markii muuqaal aad baraha bulshada ugu faafay laga soo duubay oo lagu eedeeyay inay jirdilayaan qof rayid ah.

Muuqaalka, ayaa nin ku labisan dariiska ciidamada iyo mid kale oo dhar rayid ah si isdaba joog ah u laadeen una garaacaya nin saddexaad oo shaar la’aan ah, isagoo marar badan codsanaya in loo naxariisto.

“Maya, maya mudane, waan kubaryaa!. Ciidanku waxa ay aad uga xumaadeen “dhaqanka aan wanaagsanayn” ee lagu eedeeyay saraakiisha.

“Waa wax lagu farxo in la sheego in si cad loo aqoonsaday askartii ku lug lahayd falkaas anshax-darrada ah,” ayay ciidamadu ku dareen hadal ay soo saareen Arbacadii.