Sarkaal Mareykan ah oo sheegay in diyaaradaha Boeing aysan duuli doonin ilaa laga xaqiijinaya inay ka badbaadaan

0
61

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Waaxda ka shaqeysa badqabka duullimaadyada ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in aan lagu riixi doonin ansixinta diyaaradda Boeing 737 Max 9 ee la xayiray ka dib markii ay hawada dhibaato kula kulantay.

Diyaaradda, oo lagu hakiyay gudaha Mareykanka ka dib shil ka dhacay duulimaadka Alaska Airlines “waxay u baahan tahay in la hubiyo inay 100% bedqabto”, ayuu yiri xoghayaha gaadiidka Pete Buttigieg.

Ma cadda xilliga diyaaradaha loo ogolaan doono inay dib u duusho.