Arsenal Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Mikel Arteta Kadib Natiijooyinkii Xumaa Ee Kooxda.

0
70

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ayna ku deg-degi doonin in ay heshiis cusub ka saxiixato Mikel Arteta inkasta oo uu heshiiskiisu dhici doono sanadka 2025 sida laga soo xigtay Fabrizio Romano.

Labada dhinac ayaa ka qanacsan xaalada iyada oo Arteta ku faraxsan yahay kooxda Arsenal isla markaas kooxdu ku qanacsan tahay isaga.

Arsenal ayaa ku jirta xaalad adag dhinaca qaab ciyaareedka iyaga oo kaalinta 4-aad ku dhaadhacay kala saraynta horyaalka premier League.

Romano ayaa sheegay in ay kooxdu diirada saarayso dhinaca ciyaaraha xilli ciyaareedkan halkii ay diirada saari lahaayeen mustaqbalka tababaraha.

Ma jirto wax wal-wal ah oo ku saabsan mustaqbalka tababaraha iyada oo mustaqbalkiisa Emirates yahay mid la hubo.