Danmark oo yeelatay Boqor cusub

0
52

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Frederik X hadda waa Boqorka Danmark, ka dib markii si rasmi ah hooyadiis Queen Margrethe II ugu dhawaaqday inay ka degtay boqortooyada.

Waxay hadda saxeexday wareejinta rasmiga ah, iyadoo taajkii u gudbinaysa wiilkeeda.

Hadda waxa loogu dhawaaqi doonaa boqor ahaan balakoonka qasriga Christianborg.

Boqorad Margrethe ayaa hadda tiri “Alle boqorka ha badbaadiyo.”