Duufaanta Belal oo Mauritius ku soo dhawaaneyso

0
52

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ha’yadda Laanqeyrta Cas ayaa sheegtay in hal qof uu ku dhintay in ka badan lix boqolna ay ka barakaceen jasiiradda La Reunion ee badweynta Hindiya kaddib markii ay duufaan ku dhufatay.

Roobab xooggan iyo daad ayaa sidoo kale ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka Mauritius oo sidoo kale duufaanta ay ku soo socoto.

Baraha bulshada ayaa lagu wadaagay muuqaallo muujinaya dad ku xayirmay baabuurta wadooyinka uu daadku qaaday Port Louis ee dalka Mauritius.

Madaxda halkaas joogta waxay sheegeen in ay heegan ku jiraan iyagoo u sheegay dadka in ay joogaan guryahooda. Sidoo kale diginin la soo dhigay bog dowladdu leedahay ayaa lagu sheegay in dhowr wabi ay fataheen.

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in duufaanta Belal ay si khatar ah ugu soo dhaaweynso.