RASMI: Garsooraha Kulanka Guul ama Geeri Ee Atletico Madrid vs Real Madrid Ee Khamiista Oo La Shaaciyey

0
112

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xidhiidhka kubadda cagta waddanka Spain ayaa shaaciyey garooraha qaban doona kulanka adag ee Madrid Derby ee kooxaha isku magaalada ah ee Atletico Madrid iyo Real Madrid oo Khamiista isku haleeli doona garoonka Wanda Metropolitano.

Labadan kooxood ayaa isku dhacay wareegga 16ka Copa del Rey, waxaana ciyaartoodani ay imanaysaa lix maalmood kaddib markii ay magaalada Riyadh ee waddanka Sucuudiga ku wada ciyaareen semi-finalka Spanish Super Cup oo ay Real Madrid 5-3 ku badisay.

Real Madrid ah oo ah kooxda koobkan difaacanaysa ayaa u dagaallami doonta inay guuleysato oo ay iska xaadiriso wareegga siddeedda, halka Atletico ay isku dayi doonto inay ka aargoosato Los Blancos oo maalmo ka hor si xun uga badisay.

Xidhiidhka kubadda cagta Spain oo ogsoon in ciyaartani noqon doonto mid dagaal ah oo ay ciyaartoyda Atletico isticmaali doonaan awood jidheed, ayaa waxa ay ciyaartan u magacaabeen garsooraha deggen ee Guillermo Cuadra Fernández, kaas oo lagu ladhay Pablo Gonzalez Fuentes oo VAR u qaban doona.

Guillermo Cuadra Fernández hal mar oo kaliya ayuu soo qabtay ciyaar ay Atletico dheelayso Copa del Rey, waxaanay ahayd wawreeggii labaad ee xilli-ciyaareedkii 2020-21 oo ay 1-0 kaga adkaadeen kooxda yar ee Cornella. Horyaalka, waxa uu garsoorahani kooxda tababare Diego Simeone garsoore u noqday 12 jeer, waana garsoore ay ka saaciidaystaan oo 10 ka mid ah kulamadaas ay guuleysteen, halka labada kalena ay barbarro galeen.

Xilli-ciyaareedkan, waxa uu Guillermo Cuadra Fernández ahaa garsoorihii hayey ciyaartii ay Atletico Madrid 2-0 kusoo garaacday Celta Vigo oo ay marti ugu ahayd magaalada Vigo.

Dhinaca kale, Guillermo Cuadra Fernández waxa uu Real Madrid usoo qabtay hal kulan oo Copa del Rey ah, waxaanay ahayd xilli-ciyaareedkii hore oo ay 1-0 kaga soo badiyeen kooxda yar ee Cacereno oo ay marti ugu ahaayeen garoon la dhigay doog macmal ah (roog)

Horyaalka, waxa uu garsoorahani Real Madrid u qabtay 14 kulan oo ay la dheeshay kooxo kale, waxaanay kasoo hooyeen natiijooyin isku-badhxan oo libin, khasaare iyo barro-ba iskugu jiray. Siddeed ka mid ah kulamadii uu garsoore Guillermo Cuadra Fernández u hayay ayay guuleysatay Real Madrid, saddex barbarro ah iyo saddex guul-darrona waa ay ku darsadeen, laakiin labadii ugu dambeeyey ayaa guulo u ahaa iyaga oo 4-0 iyo 3-0 kusoo kala garaacay Osasuna iyo Cadiz.