Dad ku dhintay doon ku qallibantay Nigeria

0
102

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ugu yaraan siddeed qof ayaa ku dhintay tiro kalena waa la la’yahay kadib markii doon ay saarnaayeen ay ku qallibantay webi ku yaalla gobolka waqooyi-dhexe Nigeria ee Niger, sida ay sheegeen kooxaha gargaarka degdegga ah.

Dadkan ayaa degganaa xaafadda Dugga, waxayna shalay safar ganacsi u aadeen gobolka deriska la ah ee Kebbi si ay usoo iibiyaan badar iyo qasab.

Sida laga soo xigtay hay’adda gargaarka degdegga ah ee gobolka Niger (Sema0, shilkan ayaa waxaa ku dhintay siddeed qof halka tiro dhowr ahna la weysan yahay.

Afhayeenka Sema, Ibrahim Hussaini, ayaa BBC u sheegay in shan haween ah iyo saddex rag ah ay dhinteen.

Toban qof ayaa lasoo badbaadiyay, waxaana socda howlgallada baaridda iyo samatabixinta, ayuu intaa raaciyay.

In ka badan 1,200 oo qof ayaa ku geeriyooday shilalka doomaha gudaha Nigeria intii u dhaxeysay sanadihii 2018 ilaa 2023, sida ay sheegtay Xarunta Caalamiga ah ee Soo tebinta Baaridda (ICIR).

Buux-dhaaf, iyadoo aysan jirin jaakadaha badqabka iyo tayo xumo ayaa loo aaneynayaa shilalkan.