Baladweyne (Radio Beerlula)-1,500 oo Qoys oo ka kooban Dadka qaba baahiya gaarka ah, danyar iyo barakacyaal sameen ay ka soo gaartay Xaaladaha El-Niño ayaa maanta Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka waxa ay gargaar ugu qaybisay xarunta degmada Bondheere.
Gargaarkaan ayaa iskugu jiray qaybaha raashinka nuucyadiisa kala duwan, waxana qoysaskaan ay shegeen in loo keenay raashinkaan xilli badan ay u qabeen.
Warbixintaan waxaa soo jeedinaya Cabdinajiib Aweys Isxaaq.