Finland oo sheegtay in la la yahay 160 magangalyo doono ah.

0
68

Baladweyne (Radio Beerlula)-Sida ay sheegtay hay’adda socdaalka Finland, ilaa 160 qof oo sanadkii hore magangalyo ka codsaday dalka Finland ayaa la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen iyadoo si lama filaan ah ay u soo badanayaan dadka muhaajiriinta ah ee kasoo gudbay dalka Ruushka ee galaya Finland.

Finland waxay xirtay xudduudka bari ee ay la wadaagto Ruushka dabayaaqadii sannadkii hore, iyadoo ay sii kordhayaan tirada dadka ka imaanaya dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Suuriya ee doonaya in ay gaaran dalalka yurub.

Dowladda Finland waxay ku eedaysay xukuumadda Moscow in ay dadka soo-galootiga ah u daabulayso xadduudka labada dal ay waadaagaan taas oo Kremlin-ka uu beeniyay.

Hay’adda socdaalka ee Migri ayaa sheegtay in ay 1,323 codsi magangalyo ka heshay xudduudka bari intii u dhaxaysay bilaha Agoosto iyo Disembar ee sannadkii hore, qiyaastii 900 oo ka mid ah waxaa la qaabilay bishii November halka in ka badan 300 bishii Disembar.