Haweenay qaar ka mid ah xubnaheeda jirka ay kaga yaaliin meelo aysan dadka kale uga oolin

0
55

Baladweyne (Radio Beerlula)-Haweenay 99 sano jir ahayd oo u dhalatay dalka Maraykanka ayaa markii ay geeriyootay kaddib waxaa la ogaaday in xubnaha jirkeeda ee muhiimka ahi ay ku yaaleen meel caadiyan aadanaha kale aysan uga oolin.

Haweeneydan oo lagu magacaabo, Rose Marie Bentley, oo geeriyootay bishii Oktoobar ee sanadkii 2017, ayaa intii ay nooleyd waxa ay ka dardaarantay in marka ay geeriyooto meydkeeda loogu deeqo ardayda kulliyadda caafiamadka ee Jaamacadda Portland ee gobolka Oregon ee waddankaasi Maraykanka.

Ardaydii oo qalliin ku baranaya meydka haweeneydaasi ayaa markii dambe ogaaday in inta badan xubnaha muhiimka ahi ee haweeneydaasi sida caloosha, beerka iyo uur ku jirta kale aysan ku oolin meelaha cadiyan lagu bartay in bini’aadamka ay uga yaalaan.

Dhawr jeer oo hore ayaa qalliin lagu sameeyay haweeneydaasi balse cidna ma aysan ogaan arrintan