Baladweyne (Radio Beerlula)-Guud ahaan dunida 24 January sanadkasta manta oo kale ayaa la xusaa Maalinta Caalamiga ah ee Waxbarashada
Maalintan ayaa waxaa aqoonsaday golaha guud ee Qaramada Midoobay Bishii Disembar 2018 Waxaa loogu talagalay in lagu caddeeyo doorka ay waxbarashadu ka qaadato nabadda iyo horumarka.
Muhiimadda Maalinta Caalamiga ah ee Waxbarashada loo xuso ayaa ah in bulshada loo bidhaamiyo Waqtiyada adag ee ay ku jiraan carruurta maadama loo arko furaha musataqbalkooda ineey tahay waxbarashada.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.