Liverpool Oo Diyaarisay Dalabbka Kubbad-sameeye Uu Calmaday Jurgen Klopp

0
104

Baladweyne (Radio Beerlula)-IKooxda kubadda cagta Liverpool ayaa diyaarinaysa dalab ay ka gudbinayso xiddiga khadka dhexe ee Alan Varela oo u dheela naadiga reer Portugal ee FC Porto, kaas oo muddo uu ku sugnaa horyaalka Portugal bandhig heersare ah ka sameeyey.

Badhtamaha sannadkii 2023 ayay Porto dul-dhigtay Alan Varela lacag dhan 9 milyan oo Euro oo ay kaga soo iibsatay kooxda reer Argentina ee Boca Juniors oo uu u ciyaaray in ka badan 100 ciyaarood, isla markaana kula guuleystay CONMEBOL Libertadores oo finalkii ay Boca ku garaacday naadiga Nacional de Montevideo oo ka dhisan Uruguay.

Laacibkan oo muddadii uu joogay FC Porto helay khibrad ayaa waxa calaamadsaday tababare Jurgen Klopp, kaddib markii uu daawaday 22 kulan oo uu u dheelay Porto oo uu bandhig fiican ka sameeyey, isaga oo ka mid ahaa xiddigaha sababta u ahaa in kooxdiisu ay iska xaadiriso wareegga 16ka Champions League.

Laacibkan u dhashay waddanka Bolivia, ayaa waxa Liverpool ku haysata oo kula tartamaysa Manchester City, laakiin waxa tallaabooyin ku horreeya Jurgen Klopp oo si shaqsi ah uga shaqaynaya sidii uu u keeni lahaa Anfield.

Khadkan dhexe ee reer Bolivia, waxa uu maanta warkiisu ku qornaa bogga koowaad ee wargeyska Bolavip, waxaana uu sheegay in Liverpool ay ka go’an tahay inay isku xoojiso suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga.

Manchester City oo iyaduna luminaysa Kalvin Phillips oo amaah ugu diraysa West Ham ayaa uu Alan Varela soo galay diiraddeeda oo doonaysa inay ku buuxiso booskaas, laakiin uma badna in uu bishan January ka tegayo kooxdiisa FC Porto.