Imtixaan laga qaadayo shaqaalaha mashruuca Damal Caafimaadka ee degmada Jalalaqsi oo la daah furay.

0
64

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdulahi Axmed Maalin iyo guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Nuur Maxamed Absuge ayaa si wada jir ah u daah furay imtixaan laga qaadayo shaqaalaha loo qaadanayo mashruuca Damal caafimaad kuwaasoo ka howlgali doona isbitaalka degmada Jalalaqsi.

Imtixaankan ayaa waxaa u fadhistay in ka badan 190 dhalinyaro ah oo bartay qeybaha kala duwan ee caafimaadka, iyadoona tirada la qaadanayo ay tahay 42 dhalinyaro ah.

Warkan waxaa inoo haya  Maxamed Cabdi Saneey