Baladweyne (Radio Beerlula)-Tartan kubada cagta ayaa lagu soo gabagabeeyay Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Soomaliland kaasi oo ay ka qeybgaleen Kooxaha heerka koowaad ee Magaaladaasi.
Xiritaanka taratanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay Mas’uuliyiin ka socotay Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha maamulka Soomaliland, Bahda ciyaaraha Magaalada , Ciyaartooyda tartanka loo qabtay iyo qaybaha kale ee bubulshada.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.