Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa la saxeexatay ciyaartoy cusub oo ay ku xoojinayso safkeeda, laakiin loo carbinayo mustaqbalka kaas oo ay ku garaaceen kooxo waaweyn oo reer Yurub ah oo doonayey.
Real Madrid ayaan wali si rasmi ah ugu dhawaaqin heshiiskan, laakiin warbaahinta waddanka Spain ayaa sheegtay in Los Blancos ay gacanta ku dhigtay Illia Voloshyn oo lagu tilmaamo mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan Yurub ee booskiisa.
17 jirkan ayaa ka ciyaara goolka, waxaana uu qorshaha Real Madrid yahay in xagaaga uu noqdo goolhayaha labaad iyadoo loo badinayo in Adriy Lunin uu ka tegi doono, sidoo kalena ay dib iskaga celin doonaan Kepa Arrizabalaga oo ay amaah kaga soo qaateen Chelsea markii uu ka dhaawacmay Thibaut Courtois.
Wargeyska AS ayaa sheegay in Real Madrid ay dhamaystirtay saxeexa goolhayaha reer Ukraine ee Illia Voloshyn oo uu kusoo waajahan yahay Santiago Bernabeu, waxaana uu qalinka ku duugay heshiis soconaya illaa sannadka 2026 oo ay ku ladhan yihiin dookhyo Los Blancos awood u siinaya inay kordhin karto heshiiska laacibkan.
Illia Voloshyn ayaa waxa ay Real Madrid kala soo wareegaysaa Rayo Majadahonda, taas oo ka dhigan in laba goolhaye oo reer Ukraine ah ay ku sugnaanayaan garoonka Santiago Bernabeu maadaama Andriy Lunin uu isaguna u dhashay Ukraine oo uu u ciyaaro xulka qaranka dalkaas.
Maalinta Arbacada ayaa ay Real Madrid si rasmi ah garoonkeeda Santiago bernabeu ugu soo bandhigi doontaa Illia Voloshyn, waxaana loo diri doonaa kooxda da’yarta Real Madrid ee Castilla oo uu waqti kusoo qaadan doono ka hor inta aan si rasmi ah loogu soo dallacsiinin kooxda koowaad.
Voloshyn ayaa waxa uu ku wanaagsan yahay kubbadaha sare maadaama uu dheer yahay, waxaana sidoo kale uu si degdeg ah ugu soo bixi karaa kubbadaha lagala soo baxsado difaaca, halka kubbad-qaybinta ama ku ciyaarista lugtana uu ku fiican yahay oo uu difaaca la dhisi karayo kubadda.
Real Madrid oo ogsoon in goolhaye Thibaut Courtois ay da’diisu tahay 31 jir oouu gabow kusii dhowaanayo, ayaa waxa ay Illia Voloshyn u diyaarin doontaa in uu noqdo beddelkiisa, laakiin waxa uu tartan adag la geli doonaa Fran Gonzalez oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta oo bandhig fiican ka samaynaya kooxda da’yarta.