Xabad joojin la dhagax dhigay beelo colaad ku dhaxmartay xadka gobolada Hiiraan iyo shabeellaha dhexe.

0
92

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Hirshabeelle Cabdiraxmaan Daahir Guure Karoore , guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdulahi Axmed Maalin iyo guddoomiyaha gobolka shabeellaha dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay waxgaradka labada beelood oo ku dagaalamay deegaanka Iji oo ku yaalla xadka kala qeybiya gobollada Hiiraan iyo shabeellaha dhexe.

Kulamadan oo ka kala dhacay degmada Jalalaqsi iyo deegaanka Ceel Baraf ayaa waxaa la isku afgartay in la joojiyo xabada islamarkana la kala qaado maleeshiyaadka kadibna la iskugu yimado kulamo fool ka fool ah oo lagu xalinayo sababta keentay colaadda.

Warkan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi Saneey