Wajiga koowaad xalinta colaadii ka jirtay xadka labada gobol ee Hiiraan iyo shabeellaha dhexe oo lagu guuleystay.

0
108

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Cabdiraxmaan Daahir Guure (Karoore), guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdulahi Axmed Maalin, guddoomiyaha gobolka shabeellaha dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo xubno kale oo ka tirsan Hirshabelle ayaa ku guuleystay in la kala qaado laba maleeshiyo beelood oo dhawaan dirir ku dhaxmartay deegaanka Iji oo ku yaalla xadka gobollada Hiiraan iyo shabeellaha dhexe.

Waxgaradka labada dhinac ayaa isku raacay in colaaddan lagu xaliyo wada hadal si looga baaqsado in coladda ay sii socoto.

Warkan waxaa inoo haya  Maxamed Cabdi Saneey