Baladweyne (Radio Beerlula)-Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa laga daahfuray xarun loogu talagalay in dumarka lagu baro Culuumta Shareecada islaamka.
Xarunta abuukar Al-Sidiiq oo laga hirgeliyay laanta Heegaan ee Xaafada Howl wadaag ayaa waxa dumarka lagu bari doonaa Culuumta Shareecada Islaamka sida Tafsiirka Qur’aanka Kariimka, Axaadiista iyo fiqiga.
Warkan waxaa inoo haya Bilaal Daahir Waaneey